Spanish
Somali
Vietnamese
Russian
Bosnian

Ku soo dhawoow Ururka Caruurta ee Tukwila
Waxaan si gaar ah u nahay ururka samafalka ee kaliya ee u huraya boqolkiiba boqol hantidayada caruurta Tukwila.
Hawshayada:
Ka-shaqaynta buuxinta baahiyaha ka dhiman caruurta Tukwila.
Aragtidayadu waxa weeye in dhamaan caruurta:
Waxyaabaha xudunta u ah mabaadii’dayadu waa:
Xoojinta*Sharafta*Bulshada
Ururka Caruurta ee Tukwila wuxuu bixiyaa deeqo ( xag wax barasho iyo waxyaabo ka baxsanba) iyo baahiyaha dag daga ah (maalgalinta xaga dugsiyada, booliska, iyo waaxda dabka. Waxyaabaha deg dega ah ee soo baxa marka caruurta lala shaqaynayo). Fursaduhu maaha qaar dhamaanaya, laakiin waxaan halkan u joognaa inaanu kaa caawino waxyaabaha soo socda qaarkood:
Waxaanu sidoo kale deeq loogu talo galay barnaamijyada kor loogu qaadayo nolosha caruurta ee bulshadayada laguna sii wado hawsha iyo aragtida Ururka.
Ma is waydiisay (layaabtay) sida looga codsado deeqda Ururka Caruuta ee Tukwila?Habkaad u dalban kartaa wuu fudud yahay. waxaad buuxinaysaa Codsiga Deeqda, ee ku jira bogga internetka, ama wac 206.577.0400. Codsiyada waxa la eegaa labadii bilood hal mar ( Febraayo, Abril, Juun, Ogost, Oktoobar and Diisambar). Codsiyada deeqaha deg dega ah ee ka baxsan wakhtiyada loogu talo galay waa la tix galinayaa, fadlan soo wac si aad u hesho war dheeraada..
